4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo oo u anbabaxay magaalada Addis Ababa

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u anbabaxay magaalada Addis Ababa oo la filayo in ay kula kulmaan mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka Itoobiya.

Xog badan iyo faah faahin rasmi ah lagama hayo ujeedada safarka madaxweynaha oo ku soo beegmay xili xasaasi ah oo dalka ay ka socdaan doorashooyinka aqalka hoose, lana fillayo dhawaan in la qabto doorashada madaxweynaha afarta sanno ee soo socta.

Hasse ahaatee Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in safarka madaxweynaha uu xiriir la leeyahay arrimaha doorashada oo la yaabo in ay isla soo qaadaan madaxda ugu sareysa dalka Itoobiya, iyadoo la og-yahay in Xassan Sheekh Max'uud yahay musharax  mar kale u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in  dhawaan la qabto.

Addis Ababa ayaa horay waxaa u tagay hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada qaarkood oo musharixiin madaxweyne ah iyo siyaasiyiin qeyb ka ah olalaha doorasho ee dalka ka socda, waxaana la leeyahay socdaalka madaxweynaha waa mid aan waxba ka duwaneyn safaraadaa hore ee musharixiinta iyo kala jiidashada siyaasadeed ee waqtigan kala guurka.

Dowladda Itoobiya ayaa saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya, dhinaca kalana waxaa dalka Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidammado ah oo qeyb ka ah howlgalka midowga Africa ee lagula dagaallamayo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya