4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2016
Maamulka Khaatumo oo Lacag ku Wareejiyay Guddiga Abaaraha ka Taagan Gobolka Cayn


Arbaco, November 30, 2016 (HOL) — Maamulka Khaatumo, ayaa Maanta ugu yaboohay Guddiga Abaaraha ee Gobolka Cayn lacag dhan 40,000 oo Doollarka Maraykanka ah - oo loogu talo-galay ka qayb-qaadashada taakulaynta dadka ku nool deegannada ay Abaaruhu ku dhufteen ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa warbixin kooban ka bixiyay lacagta lagu wareejin Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Sheekh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax isagoo sheegay in lacagtan ay kasoo gaadhay gancsato ku dhaqan Dalka Jabuuti.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Maamulka Khaatumo, Maxamed Cali Bashiir ayaa shalay ku dhawaaqay guddigan abaaraha oo laga soo xulay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, kaasoo ka kooban Saagaal Xubnood oo kala ah.

1.Sheekh Mukhtaar Axmed Xaji Faarax.(gudoomiye)
2.Maxamuud Maxamed Culujoog.
3.Sheekh C/raxamaan Xaaji Mahad Yuusuf.
4. Caaqil Jaamac Ibraahim Cabdi Bille.
5. Mukhtaar Cabdi Cashuur.
6. Aadan Barre Ciise.
7. Caaqil Yuusuf Xaaji Maxamuud Cali.
8. C/fataax Maxamed Jaamac.
9. Deeqa Xasan Raan.

Ugu dambeyn, Gudigan ayaa Muddooyinka soo socda ka hawl billaabi doona deegaanada Buuhodle iyo agagrkeeda iyadoo uu gudigan la magacaabay uu kusoo beegmayo Roobabkii Dayrta oo xalay ka shuuxay Qaybo Deegaannada Cayn ka mid ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool