4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2016
Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaran oo ku baaqay in Cabashooyinka jira laga Gaaro xal Waara


Arbaco, November 30, 2016 (HOL) —Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran ee dalka (MHQ), ayaa bogaadisay Doorashooyinka dalka ka socda oo heer Gabo-gabo ah maraya, iyagoo ku baaqay in habraaca doorashada 2016-ka lagu xalliyo cabashooyinka jira.

War-murtiyeed ka soo baxay Hoggaanka Madasha Qaran, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg-deg ah loo dhameystiro doorashooyinka Kuraasta harsan. Waxayna si gaar ah u Amaaneen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed oo suuro-geliyay in Doorashooyinka ay ka qabsoomaan Gobolada Dalka una dhacaan sidii loo qorsheeyey.

Sidoo kale, Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa sidoo kale Ammaantay Doorka Wanaagsan ee Hay’adaha Amniga ee heer Federaal iyo Maamul-goboleed iyo AMISOM ay u Sugeen Ammaanka Goobaha Doorashooyinku ka dhacayaan.

Qoraalka kasoo baxay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran, ayaa sheegtay in sida ku cad nidaamka doorashada ee habraaca Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Dadban (GXKDD) ee la isla gartay ayaa qeexaya in cabashoooyin walba loo gudbiyo GXKDD oo doorkiisu yahay inay dhageystaan dhammaan cabashooyinka soo mara nidaamka. Sidaas daraadeed, Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaran Waxay Taageero buuxda la Garab-taagan tahay GXKDD sidii howlaha loo xilsaaray ay u gudan lahaayeen.

“Guddiga Xallinkta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Sanadkan, waa inay u guda-galaan dacwadaha loo soo gudbiyay sida ugu dhaqsiyaha badan, isla markaana ay go’aano uga gaaraan si Madax-bannaan, iyagoo fursad siinaya dhamaan Shaqsiyaadka Cabashada soo gudbiyay iyo kuwa laga soo gudbiyay si ay u gaaraan go’aan Waafaqsan sharciga iyo nidaamka Doorashooyinka Dadban ee dalka,” ayaa Warbixintan lagu sheegay.

Ugu dambeyn, Madasha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Dowlad-goboleedyada si doorashooyinka harsan loogu soo Gunaanado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya