4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Cumar Xassan Al-Bashiir oo siweyn u taageeray madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) --Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir, ayaa siweyn u soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump oo u ku tilmaamay shaqsi lala maacaamili karo kuna taagan dariiq sax ah.

Wargeyska Al-Khaliij ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta ayaa lagu daabacay maqaal ka hadlaya tageerada Al-Bashiir ee madaxweyne Trump oo ah shaqsi inta badan adeegsada erayo qalafsan marka uu ka hadlayo xiriirka Mareykanka iyo dunida inteeda kale.

Al-Bashiir ayaa ku tilmaamay Trump uu yahay shaqsi diirada saaraya danaha dadka Mareykanka oo kaliya, halka madaxda kale ay ka hadllaan, Dimuquraadiyad, Xuquuqul Insaan iyo isla Xisaabtan, sidda lagu qoray wargeyska.

Waxaa uu sheegay in uu ku adkeysanayo la macaamilada Trump in ay aad u sahlan tahay, ''Waa shaqsi meel loogu soo hagaago leh, kana fiirsada dadka uu xiriirka la sameysanayo'' ayuu yiri Al-Bashiir.

Madxweynaha dalka Suudaan ayaa waxaa baadigoob ugu jirta maxkamad danbiyada caalamiga ah ee ICC oo ku eedeysay xasuuq ka dhacay gobolla Darfur, laakiin eedeymahaas waa uu iska diiday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya