Donald Trump'' Soomaaligii weeraray Jaamacada Ohio ma aheyn in uu dalka joogo
Arbaco, November. 30, 2016 (HOL) -Madaxweynaha la doortay ee
Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee
dhowrka qof ku dhaawacay jaamacad ku taalla Ohio ka hor inta aan isaga
la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn in uu markii horaba dalka sii
joogo.
Weerarkaasi oo Jimcihii dhacay ayaa waxaa geystay wiil Soomaali ah Cabdul Rasaq Cali Cartan oo jaamacadaasi wax ka baranayay.
Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamnka ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi oo 11 qof lagu dhaawacay.
Bogga
wakaaladda wararka ee xiriirika la leh kooxdaasi, Amaq ayaa sheegay in
wiilkaasi 18 sano jirka ahaa ee bartay cilmiga ganacsiga uu ahaa
"Askeri" iyaga ka tirsan.
"Kooxda ISIS ayaa ku faaneysa weerarka jamaacadda Ohio oo uu
geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena
joogo'', ayuu yiri, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku
qoray.
Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka
digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo
baabuur si ay dad u weeraraan
Kooxda la magac baxday dowladda
Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan
wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.
Waxay kaloo ugu baaqday in
dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta
Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la
soo dhaafay.
Xigasho BBC