4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee ka soctay Jowhar oo hakad ku yimid

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) -- Guddiga doorashada heer dowlad gobolleedka ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay joojiyeen sii socoshada doorashada xubnaha aqalka hoose ee magaaalada Jowhar oo ay ka harsan yihiin ilaa 11 kursi.

Guddiga doorashada ayaa arintan ku micneeyay kaddib markii madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble fara-galin toos ah ku sameeyay habsami u socodka doorashada iyo howlihii loo idmaday guddiga heer dowlad gobolleed, taasoo keentay sidda ay hadalka u dhigeen in la hakiyo doorashadii halkaa ka soctay.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan kuraasta wali  ka harsan doorashada ka socta magaalada Jowhar oo marka laga soo tago is heysiga beellaha dhaxdooda la leeyahay waxaa jirta faragalin ka imaneysa dhinaca mas'uuliyiinta maamulka, taasoo keentay in guddiga ay ka gadoodaan.

Maanta ayaa lagu wadday in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose, taasoo dib u dhac uu ku yimid.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya