4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Kooram xildhibaannada cusub ku fariisan karaan oo soo dhameystirmay

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) -  Iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu doortay labadii xildhibaan ee ugu horeeyay ee ku soo baxa doorasho ka dhacday caasimada Muqdisho, ayaa waxaa muuqata in uu soo dhameystirmay kooram ay ku fariisan karaan xildhibaannada cusub.

Xildhibaannada maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa kala ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday Mahad C/dalla Cawad oo ka soo gallay dhinaca gobollada W/qooyi iyo Khaalid Macoow C/qaadir oo noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay ee ku guuleystay kursiga beellaha Banaadiriga ee aqalka hoose.

Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaal Avv. Cumar Dhagey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda sadex u meel labo meel oo ka mid ah xildhibaannada cusub la soo dhameytiray, taasoo macnaheedu yahay in xildhibaannada cusub wixii hadda ka danbeeya fariisan karaan.

Sidda sharcigu yahay baarlamaanka oo ka kooban 275 xildhibaan ayaa waxaa uu shirkooda ku furmi karaa haddii la hello tiro dhan 184 mudane.

Ilaa iyo hadda waxaa harsan oo wali doorashadu ka soctaa magaalooyinka Jowhar, Cadaado, iyo Baydhabo, madaama Kismaayo mar hore la soo dhameystiray doorashada labada aqal, siddoo kalana waxaa maanta bilaabatay doorashada xubnaha aqalka hoose gobollada W/qooyi iyo beellaha Banaadiriga oo ka dhaceysa caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya