4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Askar ku dhimatay iska horimaad ka dhacay dulleedka Koonfureed magaalada Beledweyne

Arbaco, November, 30, 2016, (HOL) -  Labo askari oo ka tirsan ciidammada booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku geeriyootay iska horimaad ka dhacay deegaanka Gabar-Laawe dulleedka Koonfureed ee magaalada Beledweyne.

Ciidammadan ayaa ku gudda jiray howlgal lagu bur burinayay isbaaro koox maleeshiyo ah ay dhingteen halka iska horimaadku ka dhacay, kuwaa oo lacago baad ah kaga qaadi jiray gadiidka isaga kala googasha gobolka iyo qeybaha kale ee dalka, waxaana siddoo kale iska horimaadka labada dhinac ku dhintay mid ka mid ah maleeshiyaadkii isbaarada u tiillay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidammada booliiska maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira iska horimaadka dhacay iyo dhimashada askartan.

Ugu danbeyntii, maamulka gobolka ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba ku howlanaa xaqiijinayo guud ahaanba ammniga gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamayo falalka ammniga ka dhanka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya