4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Mahad C/dalla Cawad oo ku guuleystay kursigii ugu horeeyay xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) -- Guddoomiye ku-xigeenka labaad baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Mahad C/dalla Cawad  ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doortay  xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi ku matallaya baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya, doorasho ka dhacday Muqdisho.

Doorashadan oo ka socta xarunta gadiidka boliiska ee degmada C/siis, ayaa waxaa uu hellay Mahad C/dalla 50 cod halka xildhibaankii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xassan Max'uud Nuur uu hellay 1 cod oo kaliya.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Avv. Cumar Dhagey oo sheegay in Mahad C/dalla Cawad uu hellay 50 cod.

Mahad  C/dalla Cawad oo warbaahinta la hadlay aya sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha oo ka gaaray doorashada, gaar ahaan in uu ka mid noqdo mar kale baarlamaanka cusub ee sanadkan 2016ka.

Doorashada oo socta ayaa siddo kale la filayaa in maanta la soo doorto saddex kursiga oo ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee ballaha Banaadiriga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya