4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2016
Kulan ay isugu yimaadeen musharixiinta jagada Madaxweynaha Soomaaliya

Cabdullaahi Ciillmooge Xirsi oo ah xubin ka mid ah Isbaheysiga Isbedel-sameynta (Coalition for Change)


Arbaco, Nofeembar 30, 2016 (HOL)-Kulan ay isuguyimaadeen musharixiinta jagada Madaxweynaha Soomaaliya ee katirsan Isbaheysiga Isbedel-sameynta (Coalition for Change) 29kii Nofeembar 2016, waxay ku lafo gureen wadciga doorashooyinka qorsheysnaa in ay dalka kadhacaan 30 Nofeembar 2016 iyo duruufaha soo kordhey ee kuaadan dib-u-dhaca kuyimid waqtigii doorashooyinka Madaxweynaha loo qoondeeyey ee ahaa 30 Nofeembar 2016, Musuqmaasuqa baahsan ee hareeyey xurumaha doorashada dalka, Xildhibaanadda sida sharci-darada iyo boobka ah kusoo baxay sida ay caddeeyeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo guud ahaan khalkhalka galay habsami-u-socodkii doorashooyinka dalka.

Dood iyo falanqeyn kadib, Isabahaysiga Isbedel-samaynta (Coalition for Change), waxay u arkeen in aysan suurta gal aheyn in ay dalka kadhacdo doorasho aan waqtigeeda aysan kawada tashan dhammaan xoogaga siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Isbaheysiga Isbedel-doonka, loona baahan yahay in ay beesha caalamka dhegaysato in ay xoogagaasi tallo kuyeeshaan waqtiga kuhabboon doorashada goloyaasha iyo tan Madaxweynaha; in aysan dhici karin doorasho lagu kalsoon yahay haddii aan si dhab ah wax looga qaban cabashooyinkii musuqmaasuq ee ay soo gudbiyeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka, too ku aadanaa musharixiinta sida sharci-darada ah kusoo baxay; in aysan doorasho kudhici karin qeyb xildhibaanadda ka mid ah oo (quorum) lagu tilmaamey ee loo baahan yahay in ay si dhameystiran u soo gudbaan xubnaha barlamaanku guud ahaan wixii ku maqnayn cudadaar shakhsi ah, taasoo kasoo horjeeda dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qoddobka 64, faqradiisa  2aad iyo qoddobka 89, faqradiisa 2aad; in la joojiyo faragelinta qaawan ee lagu hayo doorashada Soomaaliya, ee kaimaneysa dowladaha shisheeye, balse ummadda Soomaaliyeed loo madax-baneeyo masiirkooda si diilaguheshiiyeydoorashadadadban.

Sidoo kale wuxuu isbahaysigu kutalo bixinayaa in doorashada kahor lasuurto galiyo arimaha ay ka midka yihiin in meel la saaro nabadgelyadda musharixiinta iyo xildhibaanadda, si looga hortago in xildhibaanadda si sharci-darro ah loo xareysto; isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed iyo beeshacaalamkaba in la xurmeeyo dastuurka dalka, laga run sheego in Soomaaliya ay kadhacdo doorasho xalaal ah oo u horseeda dowlad sharci ah.

Isbahaysigu wuxuu xasuusinayaa xildhibaanadda la soo doortey mas'uuliyadooda qaran iyo masiirka ummadda Soomaaliyeed ee ay wakiilka kayihiin, sidaas darteedna looga baahan yahay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo wada-tashiga si Soomaaliya loogu horseedo mustaqbalka rajo ka roon mida ay maanta ku sugan tahay.

Isbahaysiga ayaa dhawaan qaban doona kulamo la mid ah kaa oo kale oo arimahaa ay ku qaadaa dhigi doonaan iyo sidii doorashada Soomaaliya loo jiheyn lahaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]