4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2016
Xildhibaanno Habeennimadii Xalay lagu doortay Degmada Baydhabo ee xarunta Koonfur-galbeed


Arbaco, November 30, 2016 (HOL) — Doorasho Xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Waxaa ku soo baxay laba xildhibaan oo ka mid Noqonaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadaan oo billaabatay 8:00 Fiidnimo ee Xalay ayaa laba kursi oo ka mid ah Aqalka hoose waxaa ku tartamay Haween iyo Rag, iyadoo ay ku soo kala baxeen ruux raga ah iyo ruux dumar ah.

Kursiga Koowaad, ayaa Waxaa ku tartamay Musharraxiinta kala ah; Maxamuud Maxamed Boonoow ku Guuleystay 30-cod iyo C/qaadir Maxamed Cali oo isna helay 21-cod, kaas oo looga guuleystay kursigii lagu Tartamayay.

Sidoo kale, Kursiga Labaad waxaa ku tartamayay Taddex Haween ah oo kala ahaa; Mako Maxamuud Maxamed oo heshay 14 cod, Xamdi Hilowle oo iyadana Heshay Afar Cod iyo Sareedo Maxamed Cabdalla oo Guuleysatay 32 cod.

Ugu dambeyn, labada xildhibaan ee xalay lagu doortay Baydhabo, kuna soo baxay Aqalka Hoose, ayaa waxay Tirada guud ee Xildhibaannada lagu doortay xarunta Koonfur-galbeed ka dhigayaan 61 xildhibaan, iyadoo ay hareen siddeed xildhibaan oo keliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya