4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Dowladda Kenya oo digniin ka soo saartay weerar uga yimaada dhinaca Al-shabaab

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) -- Dowladda Kenya Kenya ayaa digniin ka soo saartay weerar uga yimaada dhinaca xoogagga al-shabaab ee ka dagaallama gudaha dalka Soomaaliya, sidda laga soo xigtay saraakiisha booliiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay helleen xog la xiriira in Alshabaab qorsheynayaan in ay isku urursadaan deegaanka Jadaheyle oo ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ciidammada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in Alshabaab doonayaan in  ay isku qariyaan dadka xoolo dhaqata deegaanada xuduuda ah, waxaana uu intaa ku darray qorshahoodu yahay weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

“ Qeybaha laga yaabo in ay weeraradan ka fuliyaan waxaa ka mid ah xarunta shaqaallaha Booliiska, gadiidka dadweynaha ee isaga goosha deegaannada xuduuda, iyo goobo kale'' ayuu yiri Joseph Boinet.

Ugu danbeyntii, taliyaha ayaa sheegay dowladda Kenya heegan buuxa galisay ciidamadeeda ku sugan dhinaca xuduuda si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ay halkaa ka waddaan al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya