4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2016
SAWIRRO: Xasillooni Xilligaan laga dareemayo Magaalada Kasese ee Galbeedka Dalka Uganda

Arbaco, November 30, 2016 (HOL) — Noloshii ayaa si caadi ah kusoo noqotay Magaalada ku taalla galbeedka waddanka Uganda ee Kasese kaddib markii Horraantii todobaadkan at ka dhaceen iska-horimaadyo u dhexeeyay ciidanka Uganda iyo ilaalada qasriga boqortooyo dhaqameedka Rewenzuru.

Wadooyinka Magaalada Kesese, ayaa u muuqata mid ay dib u soo camirmaysa iyadoo gabi ahaan goobihii ganacsiga a furay, sidoo kalena Shacabku ay si caad ah isaga wataan nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa, balse waxaa magaaladaas iyo buuraha ku hareeraysan gaaf-wareegaya millateriga iyo booliiska Uganda.

Sidoo kale, Dowladdu Uganda ayaa ku andacoonaysaa inay jiraan kooxo uu soo abaabulay, Tabbabaray oo uu Hubeeyay Boqorka Gobolka Rewenzuru, Charles Mumbere oo madax u ah Qabiilka Bokonzo, kuwaasoo u dagaalamaya inay ka goostaan Uganda inteeda kale.

Taliyaha Qaybta Millatariga Gobolkaas, Brigadier Peter Elwelu oo Hawllgalkii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Magaaladaas, ayaa sheegay in Kooxahaan ay Xiriir la leeyihiin fallaago la garanayo.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Uganda, Jeje Odongo oo isna shir jaraa'id ku qabtay Kampala ayaa sheegay in Xukukumaddu si aan gabasho lahayn ay uga hortagi doonto cid kasta oo isku-dayda inay khalkhal geliyaan dadka ku dhaqan Gobolka Rewnzori.

Laakiin, Wasiirka Warfaafinta boqortooyada Deegaanka, Clarence Bwambale, ayaa isna u sheegay BBC-da u sheegay in boqortooyo-dhaqameedkani aanay xidhiidh la lahayn koox hubaysan iyo cid kale oo u dagaalamaysa inay dalka Uganda ka go'aan.

Boqor Mumbere oo illaa Axaddii ku jiray Saldhig booliis, ayaa shalay waxaa lasoo taagay maxkamad ku taalla Magaalada Jinja ee Bariga dalkaas ku taalla, Waxaana lagu soo oogay Dilka Askari Booliis ah oo sannadkan horaantiisii la dilay.

Ugu dambeyn, Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka jiray gobolka Rwenzori oo Xad la leh Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo xiisado soo laalaabtay. Sanadkii 2014-kii ayaa koox hubaysan weerar qorsheysan la beegsadeen saldhigyo booliis iyo xeryo ciidan oo gobolka ku yaalla, iyagoo ku dileen Askar kana furtay hubkii ay wateen. Waxaana dib u soo nooleysay rabshadahan Doorashooyinkii guud ee bishii Feberaayo ee Sannadkaan ka dhcay dalka Uganda oo muran badan dhalisay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya