4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2016
Doorashada kuraasta aqalka hoose beellaha Banaadiriga oo lagu waddo in ay maanta ka dhacdo Muqdisho

Arbaco, November, 30, 2016 (HOL) -Iyadoo maanta taariikhdu ku beegan tahay 30/11/2016 ayaa lagu waddaa in magaalada Muqdisho ka bilaabato doorashada kuraasta aqalka hoose ee beellaha Banaadiriga.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ee Avv. Cumar Dhagey ayaa horay u sheegay in saddex kursi oo ka mid ah kuraasta beellaha Banaadiriga maanta la dooranayo.

Doorashada ayaa lagu waddaa in ay ka dhacdo xarunta gadiidka booliiska ee degmada C/casiis, halkaasoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Xubnaha lagu dooranayo Muqdisho ee beellaha Banaadiriga ayaa gaaraya saddex xubnood oo ka mid ah shanta kursi ee bellahan ku leeyihiin aqalka hoose, waxaana dooran doona ergooyin la cayimay oo laga soo kala xullay beelllaha kuraastan ku tartamaya.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in ay Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha aqalka Sare iyo aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya gobolada waqooyi ee Soomaaliland

Ugu danbeyntii, doorashada ayaa noqoneysa tii u horeysay oo lagu qabto magaalada Muqdisho, madaama inta badan doorashada xubnaha aqalka hoose ka socdaa gobollada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya