4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Abaaraha ka jira Gobolka Bari oo sababay xanuun-no iyo xirfadlayaal caafimaad oo loo Diray Deeganada ay Abaartu saamaysay

Talaado, November, 29, 2016 (HOL) -Wasaarad-da caafimaadka Puntland ayaa koox xirfadlayaal caafimaad ah maanta u dirtay deegaanada abaartu ay saamaysay ee gobolka Bari si ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan boqolaal qof oo ku dhibaataysan qaybo kamid ah gobolka Bari.

Isu-duwaha wasaarad-da caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe ayaa warbaahinta u sheegay in kooxahaan ay u diyaarsan yihiin sidii ay ugu gurman lahaayeen goobaha ay abaaruhu ku dhufteen.

“Qorshuhu waxa uu yahay in ay gaaraan 42 deegaan oo hoostaga gobolka Bari ,sababtoo ah abaarta hadda jirta waxa ay maraysaa meeshii ugu xumayd ,waxaana jira xanuuno ka dhashay abaarta” ayuu yiri isu-duwaha oo xusay in shaqaalahan ay yihiiin xirfad-layaal caafimaad oo tababaran.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo kamid ahaa mas’uuliyiinti sagootiyay kooxdan caafimaad ayaa sheegay in dhamaan deegaanada ay tagayaan ay ku qaabili doonaan dadka ay abuurtu ku dhufatay oo qaarkood uu sheegay in ay u soo qaxeen magaalada Bosaaso.

“Ma aha mid naga qorsoon dhamaanteen sida abaartu ay waxyeelo ugu gaysatay dadkii iyo duunyadii ku noolaa gobolada Bari iyo Gardafuu , waxaan kula dar-daramayaan in ay howlahooda si wanaagsan u gutaan “ ayuu isna yiri wasiirka caafimaadka Puntland C/naasir Cismaan Ciise oo goobta ka hadlay.

Ugu danbayn , kooxdan caafimaad ayaa sii mari doona deegaano ay kamid yihiin Ufeyn , Carmo, Iskushuban ,Baargaal , Caluula iyo Xaabo ,waxaana dhamaantood ay gar-gaar caafimaad u fidin dadka ay soo riteen xanuunada ay abaartu keentay.

Faysal M. Hassan
[email protected]