4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Kulan Dib-u Eegis ah ku Qabatay Magaalada Bosaaso

Talaado, November, 29, 2016 (HOL) Kulankan oo ahaa mid  lagu qiimaynayo shaqooyinka ay wasaarad-da caafimaadka ka qabatay gobolka Bari ayaa waxaa ka soo qayb-galay xubno ka socday laamaha caafimaadka ee howl-gala degmada Bosaaso.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise oo shirka furay ayaa sheegay in dhankooda uu muhiimad weyn u leeyahay kulankan dib loogu qiimaynayay howlaha wasaaradda ee bilihii tagay ,kuwaasi oo qaarkood uu sheegay in si wanaagsan loogu guulaystay.

“Waxaa naga go’aan in muddo gaaban gudaheed aan ku dhamaystirno howlaha wasaaradda ee na horyaala , waana in aan saxnaa hadii ay jiraan dhaliilo dhanka shaqada ah “ ayuu yiri wasiirka caafimaadka oo ka hadlay goobta.

“ Horey uma dhici jirin in la qabto shir caynkan oo kale ah ,waana in la hubiyaa adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan laamaha hoostaga wasaaradda caafimaadka “ ayuu mar kale yiri wasiirka oo u mahad-celiyay xubnaha la shaqeeya.

Ugu danbayn,Isu- duwaha wasaarad-da caafimaadka gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe ayaa sheegay in wasaarad-da ay ku howlan-tahay  dar-dar galinta howlaha caafimaad ee gobolka Bari ,kuwaasi oo uu sheegay in loo baahan-yahay dhamaystirkooda ka hor sanadka cusub.

Faysal M. Hassan
[email protected]