4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Madaxweynaha Talyaaniga oo qaabilay safiirka cusub ee Soomaaliya


Talaado, Nofeembar 29, 2016 (HOL)-Madaxweynaha waddanka Talyaaniga, Sergio Mattarella ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalkaas, oo dhawaan dowladda federaalka ay magacowday.

Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ugu wareejiyey madaxweyne Mattarella kaddib munaasabad gaaban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Rome.

Hadal uu munaasabadda ka jeediyey, ayuu madaxweynaha Talyaaniga ku xaqiijiyey in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyn doonto dhiggeeda Soomaaliya, islamarkaana gacan ka siin doonto gudashada waajibaadkeeda, iyo waliba xoojinta xiriirka labada dal.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Talyaaniga, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa isna sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada waddan, wuxuuna intii ay munaasabaddu socotay warbixin ka siiyey madaxweynaha xaaladda dalka iyo isbeddellada siyaasadeed ee waqtigan ka dhacaya siiba doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan beddeshay safiirkii Talyaaniga u fadhiyey Danjire Muuse Xasan Cabdulle, iyadoo soo magacowday danjirahan cusub ee iminka gudbiyey warqadaha aqoonsiga.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]