4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
Maamulka Baarlamaaka oo Shaaciyay Xilliga ay Xildhibaanada Cusub Shaqo billaabayaan: Video

Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo Maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa shaaciyey in Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ee lasoo doortay, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay tagaan Xafiiska Guddiga doorashada Dadban ee 2016-ka, Halkaasoo loogu diyaariyay Shahaadooyinka cadeynaya natiijada doorashooyinkii ay kusoo guuleysteen, marka ay soo Qaataan kaddibna looga baahan yahay in ay la yimaadaan Maamulka Baarlamaanka, Gaar ahaan xarunta Villa Hargeysa si loogu diyaariyo diiwaan-gelinta iyo Kaararka Aqoonsiga.

“Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu diyaariyay wax walba oo xubnaha cusub ee lasoo doortay ay u baahnaayeen si ay hawlaha Baarlamaanka Cusub ee Federaalka Somalia ay u billowdaan Sida; Diiwaan-gelinta iyo Kaararka Aqoonsiga ee Xildhibaanka la siinayo. 01-da bisha December ayay si rasmi ah guddiga doorashooyinka u billaabi doonaan bixinta shahaadooyinka marka uu Mudanuhu soo qaato shahaadada waa in maamulka baarlamanka isagoo wata laba sawir iyo cadeyn” ayuu yiri xoghayaha guud ee golaha shacabka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu ku daray. “Si loo dadajiyo hawlaha hor-yaalla Baarlamanka Maamulka Goluhu Shacabku, Wuxuuu diyaariyay wax walba oo looga baahan yahay, Hal-wadeenadeena waxay diyaar u yihiin inay shaqeeyaan maalin kasta oo shaqo laga billaabo 09:00 subaxnimo ilaa 04:00 galabnimo, Waxaanan Maamul ahaan ku Rajo-weyn-nahay in Kulanka u horreeya ee Baarlamaanka 10-aad uu billowdo; 06-da Bisha December ee 2016-ka. waase marka la helo tirada loo baahan yahay oo ah 184-xildhibaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Guud.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, C/kariin Buux ayaa Tilmaamay inay ku socoto Labada Aqal ee kala ah kan sare & kan hoose oo marka ay Wada-joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya