4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
SAWIRRO: Shirweyne Waxbarashada Puntland dib loogu eegayo oo Maanta ka Furmay Garoowe

Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa Maanta Garoowe ku Daah-furtay Kulan Dib loogu eegayo Wax-barashada Puntland, isla markaana lagu xoojinayo tayada madaxda waxbarashada, kaasoo socon doona muddo laba maalmood ah.

Furitaankii Shirweynahaan, ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi X Cumar Camey,Wasiiro, xubno ka tirsan baarlmanka Puntlnad, wakiillo ka socday xarumaha waxbarashada Puntland, Maamul-gableedyada dalka ka jira, Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo Xubno ka socday hay'adaha Soomaaliya ka taageera dhanka Waxbarashada.

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland, Maxamed C/qaadir iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Maxamed Cali Faarax oo ka Hadlayay Furitaanka shirka, ayaa ka warbixiyay ujeedka shir-weynahaan iyo wixii u qabsoomay wasaarada intii u dhexeysay Shirweyniihii Labaad iyo midkan saddaxaad ee Maanta furmay.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarasdha Puntland, Dr. Abshir Ow-Yuusuf oo isagana ka hadlay Shir-weynaha, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay xooga saartay kor u qaadista waxbarashada, balse ay u baahan yihiin in laga taageero taynta macaliimiinta oo dhamaan ay Wasaaraddu diiwaan-galin u sameysay.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland, C/llaahi Sheekh Axmed oo isna hadlay ayaa xusay in Wasaaradaha Maaliyada iyo Waxbarashada Puntland ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa Adeegyada Dhaqaale ee lagu horumarinyo Waxbarashada Puntland.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay, Veronque lorenzo oo ka soctay Midowga Yurub iyo Hugh Rridal oo ah Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa Waxay Sheegeen in Beesha Caalamka ay Diyaar u tahay ka Qayb-qaadashada Horumarinta Waxbarashada Puntland, iyagoo tilmaamay in Waxbarashadu ay tahay wax uga qaalisan ee horumarka lagu gaaro.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cabdullaahi oo si rasmi ah u furay shirka dib u eegista Waxbarshada Puntland, ayaa wuxuu u mahad-celiyay xubnihii ka socday deeq-bixiyaasha caalamka, isagoo Xusay in Waxbarashdu tahay furihii nolosha iyo Iftiinkii Hormarka.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]  
Garoowe, Puntland – Soomaaliya