4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Gaari ay la socdeen ciidammada Puntland oo miino kula qaraxday buuraleyda Galgala

Talaado, November, 29, 2016 (HOL) --Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen ciidammada badda dowlad gobolleedka Puntland,qarax miino lagula eegtay buuraha Galagal.

Qaraxa miino ee gaariga lagu weeraray ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidammadii saarnaa gaariga.

Buuraleyda Galgala oo ah halka qaraxa uu ka dhacay waxaa marar badan oo hore ku dagaallamay ciidammada Puntland iyo koox sheegatay in ay ka tirsan yihiin ururka IS, oo hadda ku sugan qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen qaraxa saraakiisha  maamulka Puntland, waxaana weerarkan miino uu ku soo beegmayaa xilli ay ciidamada maamulka Puntland  isku diyaarinayaan, weerar ay ku qaadaan magaalada Qandala oo gacanta ugu jira koox ka tirsan ururka Daacish.

Ugu danbeyntii, buuraleyda Galgala ayaa ah meel ay saldhigyo ku lahaayeen ururka  Alshabaab, waxaana dagaalo horay halkaa uga dhacay sababeen khasaare baahsan oo soo kala gaaray labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya