4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
Gabadh Soomaaliyeed oo Asturan oo ka Qayb-gashay Tartan Qurux oo lagu Qabtay Minnesota


Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Gabar Soomaaliyeedd oo haysata dhalashada dalka Maraykan, ayaa markii u horreysay ka qayb-gashay tartanka quruxda gabdhaha ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka iyadoo Asturan.

Xaliimo Aadan oo 19-jir ah, ayaa soo Xiratay dharka Asturan ee Muslimiinta, iyadoo Jir-keeda qarisay intii uu bandhigu socday.

Xaliimo oo ku dhalatay dalka Kenya, iyadoo yarna u Wareegtay Magaalada St Cloud ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka, ayaa ka mid noqotay 15 ruux ee ugu sarreeyay Tartankaas oo muddo laba maalmood ah socday.

Sidoo kale, Xaliimo ayaa sheegtay inay Rajaynayso in ka Qayb-qaadashadeedu ay Dhiirri-gelin u noqoto Dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan.

Dadka deegaanka magaalada St Cloud ayaa sheegay in ay aad ugu furaxday in ay ka mid noqotay 15-kii ruux ee ugu sareeyay ayna taageero badan ka heshay haweenka dunida ku kala nool.

Waxay kaloo Xaliimo Aadan xusay in Arrintan ay u tahay guul weyn ayna tahay gabadhii u horaysay ee billawda arrintan ayna rajaynayso in ay aragto haween badan oo Muslim ah oo asturan, loona dabaal dago arrintaas.

Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa hoy u ah Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.

Dhanka kale, Denise Wallace oo Madax ka ahayd Tartanka Quruxda - ee Miss Minnesota USA pageant, ayaa Amaantay go'aanka ay Xaliimo ku soo xiratay Dharka Dhaqanka.

Ugu dambeyntii, Meredith Gould oo Deggen Minneapolis - ayaa ku Guulaysatay Tartanka, waxayna Sannadka dambe ka Qayb-gali doontaa tartanka quruxda Maraykanka ee sanadka soo socda dhici doona.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya