4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
Ciidammo isugu jira Somalia iyo Ajnabi oo Xalay Hawl-gal ka Fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose


Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in ciidanka kumaandoos-ta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidammo ajaanib ah oo la socday ay xalay Weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Toora-toorow oo u dhaw Degmada Aw-dheegle.

Ciidamada Dowladda ee weerarkan fuliyay ayaa la sheegay in meel dulleedka deegaankaas ah ay uga soo degay dayaarado kuwa Qumaatiga u kaca ah oo ay la soceen saraakiil Ajaaniib ah, sida ay dadka deegaanku sheegeen.

Sidoo kale, Ciidamada Weerarkaan Fuliyay - ayaa la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Guuto fadhigoodu yahay Saldhiggii hore ee Ciidanka Cirka ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellada Hoose.

Illaa hadda, Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska-hor-imaad dhex-maray xoogagga Al-shabaab Shabaab iyo Ciidamada Weerarkan Qaaday. Laakiinse Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhawac ah uu weerarkan kasoo gaaray Al-shabaab.

Al-shabaab, ayaa la sheegay inay hareeraha deegaankaas miinooyin badan ku aaseen, iyagoo hadba Jihada Xabbaduhu uga soo dhacda ku Qarxinayay Miinooyinkii ay ku aaseen.

Dhanka kale, Al-shabaab oo ka hadashay Weerarkaan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen ciidamada Dowladda Somalia iyo ciidamadii shisheeyaha ahaa ee caawinayay, balse ma aysan sheegin khasaare ka dhashay weerarkaas.

Ugu dambeyn, Deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeellada ayaa waxaa saldhig ku leh Al-shabaab, iyadoo dhawr jeer ay Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa caawiya ay Weeraro noocan oo kale ah ka fuliyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya