4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
SAWIRRO: Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Britain oo Kaalmo gaarsiiyay Isbitaalka Xabeeb

Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Gabadhaha Soomaaliyeed ee ku nool Britain, ayaa Waxay Maanta gaarsiiyeen Kaalmo isugu jirtay; dhar, lacag iyo raashin, taasoo loogu talo-galay dadka maskaxda ka xanuunsan ee ku jira isbitaalka Xabeeb ee Magaalada Muqdisho.

Kaalmadaan, ayaa waxaa isbitaalka Xabeeb gaariiyay ururka WOCH CARE oo xaruntiisu tahay Britain, ahna Urur ka shaqeeya Caawiya Bulshada Soomaaliyeed, Kaalmooyinka ka soo ururiya dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka.

Maryan Maxamed Jimcaale [Maryan Jacayl] oo ka mid ah xubnaha Ururka WOCH oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa sheegay in deeqdan ay tahay tii sadexaad oo ay gaarsiiyaan Isbitaalka Xannaanada dadka Madaxa ka jirran ee Xabeeb.

”Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain lacagihii Ammaanada ahayd ee at ii soo wakiisheen waxaan gaarsiiyay dadkii loogu talo-galay, waxaanan rajeynayaa in deequhu ay intan ka bataan, maadaama aan arkay dhibaato badan oo haysta dadka xanuunka maskaxda qaba,” ayay tiri Maryan Jacayl.

Dr. C/raxmaan Cali Cawaale [Xabeeb] oo isna goobta ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad-celiyay haweenka Soomaaliyeed ee waddanka Britain ku nool oo uu sheegay inay qaadeen tallaabo aad u wanaagsan oo loo baahnaa.

“Runtii ma ahan markii u horreysay oo Maryan Jacayl iyo haweenka kale ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain ay Isbitaalkaan kaalmo soo gaarsiiyaan, waana markii Saddexaad, waxaana ugu baaqayaa haweenka kale inay sidaa oo kale sameeyaan,” ayuu Dr. Xabeeb ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, Waxaa Goobtaas ka hadlay huddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baar-qab, Xildhiban Caasho Koos, Khadro Xasan oo ka mid ah haweenka Britain ku dhaqan iyo Xubno kale, kuwaas oo Dhammaantood Diiradda saaray sida ay muhiimka u tahay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Ururka WOCH CARE ayaa sheegay inay Qorsheynayaan in ay waqtiyada soo socda ay Deeqo noocan oo kale ah gaarsiiyaan xarumo ku yaalla Gudaha dalka, kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya