4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Diyaarad sidday 81 ruux oo ay ka mid ahaayeen cayaartooy reer Brazil ah oo bur burtay

Talaado, November, 29. 2016 (HOL) --Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarad sidday 81 ruux oo ay ku jiraan koox ka dhisan dalka Brazil ku bur burtay magaalada Medellin ee dalka Colombia, halkaasi oo ay ku wajahnaayeen.

Saraakiisha booliiska dalka  Colombia ayaa sheegay in shan ruux ay ka badbaadeen shilkaasi diyaaradeed, halka 76  kalana ay dhinteen.

Diyaarada oo ka duushay dalka Brazil ayaa waxaa la socday kooxda kubbada cagta ee Chapecoense oo ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee dalka Brazil.

Kooxda ayaa u socotay ka qeyb galka ciyaar kama dambeys aheyd oo ka tirsan Copa Sudamericana, iyaga oo la cayaari lahaa koox ka dhisan magaaladda Medellin ee Atletico Nacional.

Qorshaha waxaa uu ahaa in is araga koowaad ee cayaarta la qabto maalinta beri oo Arbacada ah, laakiin hadda hakad ayaa ciyaarta la geliyay.

Sidoo kale dadka shilka diyaariyeed ku dhintay waxaa ka mid ahaa ciyaaryahano, wariyaal , madax iyo dadkii kale ee la socotay kooxda.

Alan Ruschel, iyo labo goolhayeyaal oo lagu kala magacaabo Jackson Follman iyo Marcos Danilo ayaa loo badinayaa in ay ka mid ahaayeen dadkii shilka ka badbaaday.

Ugu danbeyntii, roobab xoogan oo magaalada ka da’ayay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen shilka diyaarada, wallow aan ilaa iyo hadda la cadeyn waxa shilka dhaliyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya