4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Dowladda Chine oo dhaqaalle ugu deeqday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya


Talaado, November, 29, 2016 (HOL) --Dowladda Shiinaha ayaa dhaqaalle gaaraya $1.2 milyan oo doolar ugu deeqay howlgalka midowga africa AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana amaantay doorka ciidammada ee nabada soo celinta.

Dowladda Shiinaha ayaa ciidammada AMISOM ku tilmaamtay in ay u joogaan Soomaaliya siddii ay soo celin lahaayeen ammnigii iyo kala danbeyntii dalka, siddaa daraadeed muhiin tahay in laga caawiyo dhinaca dhaqaallaha.

Gudoomiyaha gudiga nabad galyada iyo amaanka ee Midowga Africa Ismail Chergui ayaa sheegay in dowladda Shiinaha lacagta ugu deeqday AMISOM, waxaana uu sheegay in la marsiin doono waddada ay u asteyso dowladda dhaqaallaha bixisay.

Ugu danbeyntii, AMISOM ayaa Soomaaliya u joogta nabad ilaalin, waxaana dhaqaalo ku bixiya Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya