4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
Baarlamanka cusub ee Federaalka oo kulankiisa ugu horreeya yeelan doona Horraanta December

Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka Cusub ee Federaalka Somalia uu yeelan doono Horraanta bisha December ee soo socota.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Avv Cumar Maxamed C/lle [Dhagey], ayaa shir jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay ku sheegay in Haatan ay hayaan 178-xildhibaan oo lasoo doortay ayna ka dhiman tahay kooramka uu kal-fadhiga u horeeya ku qabsoomi karo oo ah 184-mudane lix xildhibaan oo keliya.

“Kal-fadhiga ugu horreeya ee baarlamaanka wuxuu qabsoomi doonaa bisha December horraanteeda. Tirada kooramka ee loo baahan yahay waa 184-xildhibaan, waxaana hadda haynaa 178-xildhibaan, sidaas daraadeed waxaa dhiman lix xildhibaan oo keliya, haddii lasoo doortana kulanka ugu horreeya wuu qabsoomi karaa,” ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Doorashada Daddban ayaa hadalkiisa ku daray in 30-ka bishan November ay billaabayaan bixinta Shahaadooyinka Aqoonsiga xildhibaanimo, markaas kaddibna ay kulammada baarlamaanku Federaalka ee cusubi billaaban doonaan.

“Marka ay kulamada baarlamaanka cusub ee Federaalka Somalia billowdaan, dalku wuxuu yeelanayaa hay’ad sharci-dajin oo goaanno gaari karta. Markii xildhibaanadu soo doortaan Guddoonkooda, ayay billaabi doonaan in ay go’aanno ka gaaraan waqtiga ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha cusub,” ayuu ku daray hadalkiisa Avv. Cumar Dhagey.

Dhanka kale, Mar la weydiiyay hakinta uu Puntland ee doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomalaiya, ayuu ku jawaabay in Mas'uuliyiinta Puntland ay kala hadleen Arrintaas ayna dib u billaaban doono Doorashada Aqalka Hoose, inkastoo uusan sheegin muddada ay billabanayso.

Waxaa kaloo, Guddoomiyaha Hir-gelinta Doorashada Dadban uu ka Hadlay Doorashada Xildhibaanada xubnaha Gobollada Waqooyi iyo Banaadir oo Muqdisho lagu qaban doono, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku billaaban doonto doorashadaas, uuna rajeynayo in xilli kooban lagu soo gunaanado.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Avv. Cumar Dhagey ayaa wuxuu shirka jaraa’id ku sheegay in doorashada Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inay 30-ka bisha November dhacdo aysan dhici doonin, isagoo xusay in doorashada ay xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya go’aan ka gaari doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya