4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2016
SAWIRO: Xaflad lagu soo dhaweeyay doorashada Prof. Dufle oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Talaado, November 29, 2016 (HOL) — Waxaa shalay Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu soo dhoweynayay Doorashada Senator Prof. Cismaan Maxamud Dufle oo Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ka mid ah oo dhawaan loosoo doortay inuu ka mid noqdo xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka.

Xafladdaan ayaa waxaa abaabulkeeda iska lahaa Mu’asasada Tacliinta Sare ee Banaadir iyo Ardayda dhigta Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir. Waxaa ka qayb-galay Mas’uuliyiin iyo arday ka tirsan Muasasada iyo Jaamacadda Banaadir, xildhibaanno Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ka tirsan, Mas’uuliyiinta Jaamacadaha dalka qaarkood, aqoonyahano, dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Dr. Cabdiraxmaan Macalin Fiqi oo ah dhkhatar, Xubinna ka ah Mu'asasadda Tacliinta Sare ee Banaadir oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay in guusha u gaaray Prof. Dufle ay tahay mid ay ku faani karto Jaamacadda Banaadir, isla markaana uu Dufle yahay shaqsi buuxin kara meel walba, isagoo xusay inuu wax badan u soo qabtay bulshada, loona baahan yahay in aqoonyahanada da'da yar ee soo kacaya ay ku daydaan.

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna ka hadlay Xafladda ayaa yiri. “Ardayda Jaamacada Banaadir kaliya Macalin uma aheyn ee anagaba macalin ayuu noo soo ahaa, xiligii aan dhigan jirnay Jaamacadda Ummadda, isagoo sanadki 1986-dii tababar nagu siinayey Isbitaalka Digfeer, kaalinta iyo heerka uu gaarayna keligiis isuma gaarin ee wuxuu u gaaray Musasada Banaadir iyo ummada Soomaaliyeed oo dhan.”

Guddoomyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad-celiyey Qaban-qaabiyeyaashii Munaasabada oo uu sheegay inay tahay mid taariikhi ah oo lagu soo dhoweynayo guusha uu gaaray Prof. Dufle oo uu xusay inuu yahay halyey u kacay dalka iyo dadka.

“Waxaan u Hambalyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed oo helay Prof. Cusmaan Dufle oo ah halyey waxqabadkiisa aan la soo koobi karin iyo madaalaha Jaamacada Banaadir, waxaana hadda kadib ugu yeereynaa madaalaha tayeynta adeegyada dadka Soomaaliyeed maadaama uu Senator noqday, siyaasadana waxay ku fiican tahay in bulshada loogu adeego” ayuu yiri yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale Senator Dufle kula dardaarmay in xilka loo doortay uu uga faa’ideysto xoojinta howlaha u bulshada ugu adeegayo sida waxbarashada & caafimaadka, isagoo balan qaaday iney gacan ku siin doonaan gudashada Waajibaadka Qaran ee loosoo doortay.

Gunaanadkii xafladaas waxaa khudbad ka jeediyey Senator Prof. Cismaan X. Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo yiri. “Waxaan ILAAHAY iyo hor-tiinaba ka ballan-qaadayaa in Xilkaan la ii doortay uusan iga Mashquulin doonin Adeeggii bulshada ee aan horey u hayey, Hawshan Siyaasadda illaa Dowladdii Carta ayaan ku soo jiray, waana isku waday sidoo kale ayaana isugu soo wadi doonaa Insha Allaah.”

Ugu dambeyn, Hadallo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ayaa waxaa goobta ka jeediyay xafladda Prof Axmed Yuusuf Guuleed oo ka Tirsan Mu'sasadda Banaadir, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Banaadir (BUMSA) C/fitaax Axmed Shire, masuuliyiin ka kala socotay Jaamacadaha Xamar ka jira qaarkood iyo ururada bulshada, iyagoo Senatorka ugu duceeyey inuu xilka loo doortay Alle la garab-galo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya