4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Faah faahin ku saabsan weerarkii shalay ka dhacay Jaamacada Ohio ee dalka Mareykanka


Talaado, November, 29, 2016 (HOL) --Saraakiisha booliiska dalka Mareykanka ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii khasaaraha sababay ee shallay ka dhacay Jaamacada Ohio ee dalka Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in qofka weerarka geystay lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Cartan oo 20-sano jir ahaa, waxaana uu ka mid ahaa ardayda wax ka dhiganeysay Jaamacada uu weerarka ka geestay.

Booliisku waxaa ay sheegen in Cabdirisaaq gaari yar uu watay uu jiirsiiyay dad ku sugnaa dhismaha Jaamacada, isaga oo intaa kadib dadka qaarkood ku weeraray toorey uu watay., waxaana weerarkan ku dhawacamy 11-qof.

Ciidammada booliiska ayaa markii danbe toogasho ku dillay ku dilay Cabdirisaaq Cali Cartan, waxaana soconaya baaritaano ku aadan weerarka uu geestay wiilkan Soomaaliga ah balse heystay dhalashada dalka Mareykanka.

Muslimiinta  ku nool gobolka Ohio gaar ahaan Soomaalida ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkan uu geestay Wiilka Soomaaliga ah, waxana ay weeraraasi ku tilmaameen mid laga naxo oo  aysan raali ka aheyn.

Wiilka ayaa dadkii yaqaanay waxa ay sheegeen in uu ahaa wiil afgaaban oo inta badan aan dadka soo dhax galin sidoo kale waxa uu aad ugu xirnaa masaajida ku yaala gobolka Ohio oo diinta uu ka baran jiray.

Ugu danbeyntiim maamulka jaamcada ayaa sheeay in hada xaalada ay tahay mid caadi ah ayna soo afjareen ciidammada howlgalkii ay ka wadeen dhismaha jaamacada, waxa ayna maamulka jaamacda weerarkan ku tilmaameen mid ay ka naxeen oo argagax badan ku abuuray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya