4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2016
Muslimiinta Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio


Talaado, November, 29, 2016 (HOL) -Hogaamiyeyaasha bulshada Muslimka ah ee gobolka Ohio ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay weerarka arday Soomali ahi ku dhaawacay kow iyo toban qof.

Nin asalkiisa Soomaali yahay ayaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Cartan ayaa la sheegay baabuur jiirsiiyay dad dhex lugaynayay jaamacadda Ohio State Univeristy ee ku taalla magaalada Colombus, kadibna waxaa la sheegay in uu midni u adeegsaday dadkii goobta ku sugnaa.

Booliska ayaa toogasho ku dilay ku dilayshaqsiga weerarka geystay, waxaanay baarayaan in weerarkiisa ahaa mid aragagixiso iyo in afkaarta xagjirka ah ee internetku duufsadeen iyo in kale.

Dadkii jaarka ahaayeenna waxay sheegeen in uu ahaa nin had iyo goor masaajidka taga oo edeb badan.

Ugu danbeyntii, ninka oo da'diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ka ahaa Jaamacadda, waxaana muuqata in weerarada noocan oo kale ah yihiin kuwo siweyn ugu soo badanaya gudaha dalka Mareykanka

Xigasho BBC