4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Kulan Xuduudaha & Federaalka looga Hadlayay oo lagu Qabtay Magaalada Cadaado (SAWIRRO)


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Kulan looga hadlayay Arimaha xuduudaha & federaalka, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, Waxaana Kulankaan soo Agaasimay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Kulanka oo ay ka Qayb-galeen madaxda Guddiga Xuduudaha, Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah ayaa waxaa diiradda lagu saari-doonaa Arrimaha Federaalka, Xuduudaha iyo Aragtiyada ay Bulshadu Qabaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Maamulka Galmudug, Jaamac Xasan Salaad ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid xilli muhiim ah ku soo aaday, looga tashan doono arrimaha xuduudaha iyo federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha, Muuse Wax-gard C/llahi, ayaa isna sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay Aragtiyo kala duwan ka qabaan Federaaliisim-ka, Taaisna ay keentay in la badiyo Wada-tashiyada lagu weydiinayo shacabka Soomaaliyeed aragtiyadooda ku aaddan Federaaliisim-ka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya