4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
60-jir ka mid ah Ardeyda Sannadkan u fariisatay Imtixaannadka Shahaadiga ah ee Dalka Somalia


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Waxaa jirta Oraah Soomaaliyeed oo ah [Waxbarashadu da' malaha] dabcan arintaa waxaa ka dhabeeyay Axmed Max'ed Cali Saney oo ah 60 sano jir sanadka ka mid noqday ardeyda u fariisatay imtixaannaadka shaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.

Dad badan ayeey ku noqotay sheeko cajiib ah markii ay arkeen Axmed Saney oo u fadhiya Imtixaanka, Waxaana Sawirradiisa lagu baahiyay inta badan Baraha ay bulshada ku wadda xiriiraan, halkaasoo uu ka halay hambalyo iyo amaan badan oo loo soo jeediyay.

Dabcan marka si wanaagsan aad u eegto sawirka isaga oo imtixaanka u fadhiya waxaa kuu muuqanaya in uu siweyn ugu qanacsan yahay heerkiisa waxbarasho iyo da'da uu ku jir.

Soomaaliya waxaa dhif iyo naadir ah, in qof da'daas jira uu tago dugsiyada aasaasiga ah ee Waxbarashada iyadoo Somalia ay meel Sare kaga jirto Dalalka aanay inta badan dhalaanka fursad u helin in ay waxbartaan.

C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya