4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Guddiga isku-dhafka Ciidanka Qaranka Somalia oo Maanta Gaaray Magaalada Garoowe (Sawirro)


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xali Xagaa - ayaa maanta gaaray Degmada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo booqday xerada 54-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xubnaha Wafdigaan, ayaa waxaa Garoowe kusoo dhaweeyay Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland, Jen. Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland. Waxaana wafdigan uu socdaalkoodu la xiriira Qorshaha lagu doonayo in la isugu dhafo Ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wafdigan ayaa kulammo la qaatay xubno ka tirsan laamaha Amniga Maamulka Puntland, iyagoo ka wada-hadlay Arrrimo la xiriira isku-dhafka Ciidanka Qaranka Somalia iyo Qaabkii loo hir-galin lahaa heshiisyo horay loo wada gaaray.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland, ayaa Waxay horay u Wada Gaareen Heshiis la xiriira Qorshaha isku-dhafka Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo ay hormuud ka tahay dowladda dhexe ee Somalia.

Ugu dambeyn, Ciidamada Qaranka ee la dhisayo, ayaa waxay markii la dhameystiro waxay beddeli doonaan Ciidamada Midowga  Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM] gaar ahaan marka uu hawl-galkoodu dhammaado.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya