4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
SAWIRRO: Murashaxii u Horreeyay oo Kalsooni Xildhibaannimo ka Dalbaday Reer Wanla-weyn


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Iyadoo Xusul-duub ballaaran loogu jiro, kuraasta Golaha Baarlamaanka Federaalka Somalia ee lasoo dhisayo Sannadkaan 2016-ka, ayaa Maxamuud Buulle Maxamed oo doonaya inuu Baarlamaanka Cusub ee Somalia ka mid noqdo, Wuxuu safar ku tagay Degaanka Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellada Hoose oo uu kasoo jeedo, si uu shacabka u weydiisto kalsoonidooda, waxaana soo dhaweeyeen; Maamulka degmadaas, Malaaqyada, Salaaddiinta, Nabad-doonnada, Haweenka iyo Dhallinyarada Degmadaas.

Maxamuud Buulle, ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmadaas, Wax-garadka iyo qaybaha Bulshada, Wuxuuna yiri mar uu sharraxaya ujeedada socdaalkiisa. “Anigoo ah Maxamuud Buulle Maxamed, kana mid ah Bulshada kasoo jeedda Deegaankaan, Wax badana u qabtay bulshada, gaar ahaan dhinacyada; Waxbarshada, Caafimaadka iyo adeegyada bulshada laga maarmaanka u ah, waxaan si Qaddarin iyo Xushmadi ku jirto idin kaga codsanayaa inaad ii Wakiilataan in aan idin ku Metelo Baarlamaanka Federaalka Somalia, iyadoo aad og-tihiin in Waddanka uu is-bedel ka dhacayo dabayaaqada Sannadkan 2016-ka.”

Buulle ayaa mar kale yiri. “Haddii aad iga Aqbashaan in aan idin ku Metelo Baarlamaanka cusub ee Federaalka Somalia, waxaan laban-laabi doonaa waxqabadkaygii hore, waxaanan idiin ballan-qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyihiina kala duwan ee aasaaska u ah nolosha Dadka Wanla-weyn sida; Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Wadooyinka  iyo Adeegyada kale ee laga maarmaanka ah.“

Malaaq Cumar Daa’uud Macallin oo oo isaguna Goobta ka Hadlay ayaa yiri. “Waxaan  soo dhaweynaynaa imaatinka wiilkeenna Maxamuud Buule, waxaan raali ka nahay inuu metelo dadka Wanlaweyn, Waxaanan ku boorrinayaa Salaadiinta, Malaaqyada, Nabadoonnada iyo Waxgaradka inay kalsoonida siiyaan Maxamuud Buule Maxamed inuu Dadka Deegaanka ku metelo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.”

Suldaan Xasan Axmed Muuse ayaa isagana yiri. “Maxamuud  Buule waa Taqaanniin, waa Wiilkeennii, Waadna Aragteen Qaybo ka mid ah Wax-qabadkiiisa, Maanta Wuxuu inooga fadhiyaa inaan ka dhigano Xildhibaanka nagu metelaya Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ee la dhisayo Sannadkaan 2016-ka; Waana ka Aqbalnay codsigiisa.”

Nabaddoon, Xasan Muuse Cismaan (Xumow) ayaa isagana yiri. “Haddii aan nahay Dadka reer Wanla-weyn Waxaa ALLE mahadiis ah inuu maanta qof naga mid ah oo aan naqaanno uu inoogu yimaado inuu Wakiil nooga noqdo Baarlamaanka Cusub ee Somalia. Maxamuud Buulle, wixii uu noogu yimid oo uu naga dalbaday oo ahayd Xildhibaannimo Waan siinay, Sababtoo ah xubnaha haddda nagu  metela Baarlamaanka Soomaaliya weligood codkeenna nama weydiisan.”

Intaas kaddib, Waxaa ka hadlay Goobtaas Guddoomiyaha Wanla-weyn, Maxamed Siidow oo yiri. “Waxaan aad ugu faraxsan-nahay oo aan taageeraynaa Maxamuud Buulle oo reer  Wanla-weyn ka doonaya inuu ku metelo Baarlamaanka Federaalka Somalia ee sannadkan dhammaadkiisa lasoo dhisayo.”

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ah; Nabaddoonno, Malaaqyo, Salaaddiin, Guddoomiyaha Haweenka, Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Gudoomiyaha Isboortiga oo dhamaantood xusay waxqabadka & ka warqabka Maxamuud Buule Maxamed ee Bulshada Wanla-weyn waxayna si buuxda kalsooni u siiyeen, Murashaxa Baarlamaanka Somalia ee 2016-ka.

Ugu dambeyn, Waxaa isla Goobta ka hadlay , Maxamuud Buule Maxamed oo ka Mahad-celiyay sida kalsoonida  ku dheehan tahay oo Reer Wanla-weyn u soo Dhaweeyeen, ugana aqbaleen Codsigiisii ahaa inuu ku metelo shacabka Wanla-weyn Baarlamanka cusub ee FS, isagoo ballan-qaaday inuu wax badan u qaban doono reer Wanla-weyn marka ugu horreysa ee uu  si buuxdo ugu Guuleysto Kursiga Wanla-weyn ay ku leedahay Baarlamaanka FS ee Sannadkan lasoo dhisayo. Isagoo hadalkiisa kusoo xiray. “Reer Wanla-weynoow codkiinna ku shaqeysan maayo - ee waa idiin kugu shaqeynayaa.” 

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya