4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Qaraxyo Khasaare Sababay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland lagula eegtay Buuraha Galgala


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Afar Askari oo Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ka tirsan ayaa dhaawacmay, kaddib markii kolonyo gaadiid ah oo ay wateen lala beegsaday labo qarax barqadii maanta, xilli ay marayeen Buuraha Galgala.

Qaraxyadan ayaa la Sheegay inay ahaayeen kuwo Waddada Dhinaceeda la geliyay, iyagoo la qarxay qaar ka mid ah Gaadiidkii ay wateen Ciidamada Darwaashiinta ee Puntland, sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC-da.

Mas’uuliyadda Qaraxan ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabbaab, iyagoo xusay in tiro ka badan 10-askari oo ciidamada Puntland ka tirsan ay qaraxyada maanta ku dileeen.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin Qaraxyada Khasaaraha Sababay ee maanta barqadii ka dhacay Buuraha Galgala oo ay tan iyo sanadkii 2010-kii Dagaallo culus ku dhex-marayeen ciidamada Puntland iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Maamulka Puntland oo sannadkii hore sheegtay inay Al-shabaab ka saartay Buuraha Galgala ayaa waxaa weli Buurahaas ku Sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab, inkastoo Sannadkan Gudihiisa ay Puntland kaga dhawaaqeen kooxo ka goostay Al-shabaab inay ku biireen Ururka Daacish.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya