4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Madaxweynaha Ciraaq oo Warqadihii Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Somalia ee Dalka Ciraaq


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo.

Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka hor intii Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya aysan dhimin Danjirayaasha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale, Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Warqadaha Aqoonsiga  laga guddoomay ayaa bedeli doona safiiraddii hore ee Somalia u joogtay Dalka Ciraaq, Khadiija Al-Makhsuumi, oo loo bedelay dalka Pakistan.

Ugu dambeyntii, Waddanka Ciraaq oo kasoo kabanaya Dagaallo Sokeeye oo la dagay ayaa safaaraddii ay ku lahayd Somalia waxaa dib loo furay 16-kii Oktoobar 2015-kii, taas oo uu Xarigga ka jaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya