4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Wadahadalkii Somalia iyo Somaliland oo Maanta lagu Wado inay ka Furmaan Waddanka Turkiga


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Maanta oo ah 31.05.2016, waxaa la filayaa in wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ay dib Turkiga uga furmaan.

Dawladda Turkiga iyo dowladaha Carabta sida Isu-tagga Imaaraadka Carabta hormood u tahay ayaa wadahadallada qeyb ka ah, Kuwayt iyo Masar ayaana si dhow ula socda.

Turkiga iyo Carabtu waxa ay sidaan hindiseyaal, sida la tibaaxayo, hoosta ka xarriiqaya:

In Soomaaliya waxba u suurta geli waayeen, oo xittaa siyaasaddii maamul-gobolleedyada ee federaalku socon wayday oo madhaleys tahay; quusna laga sido.

In Somaliland ku hungowday aqoonsi ay caalamka ka kasbato; waxbana aanay kasoo naaso-caddayn.

Sidaas awgeed, waxaannu idiin haynaa qorshe aannu idinku dhexdhexaadinayno oo ah in labadiinna qolaba kasoo guurtaan halka aad hadda taagan tihiin oo la idiin sameeyo

Dawlad dhexe oo aad waxna wada yeelataan; waxna idiin kala gaar noqonayaan; idinka oo ah laba saamiley oo 60,40 wax u kala qaybsanaya.

Waddankana dib u dhis la idinku sameeyo dhinac kasta oo dhaqaale badan la gelinayo.

Haddaba, sideed u aragtaa Muqdisho iyo Hargeysa, ama Soomaaliya (koonfur) iyo Somaliland oo dowlad dhexe oo federaal ah wada yagleela; una saami-qaybsada 60,40 oo ah sida Turkiga iyo Carabtu u xogol-xaadhayaan?

Hiiraan Online, News Desk