4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Hay'adda SYPD oo Gargaar u Qaybisay Qoysaska ka Barkacay Dulleedyada Beledweyne (SAWIRO)


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Marka laga soo tago qoysaska ku barakacay deegaanka Ceel-jaale ee duulleedka bari magaalada Beledweyne, dhinaca kale waxaa jira tiro badan oo qoysas ah oo gaaray deegaanada ka durugsan magaalada kuwaa oo dul saar ku ah xiligan dad ay ehelo ama qaraabo dhaw yihiin.

Hadaba hay'adda SYPD ayaa ayaa markii ugu horeysay deeq ballaaran gaarsiisay ilaa 300 oo qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay deegaanka Ceel-Gaal oo qiyaastii 15km dhinaca W/bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qoysaskan ayaa loo qeybiyay raashin isugu jira, bur,, bariis, Sokor iyo Saliid, taa oo la oran karo marka laga soo tago daruufaha nolaleed ee jira in dhinaca kale ay uga faa'ideysan karaan bisha Ramadaan ee nagu soo foolka leh.

Sidoo kale, iyadoo la ilaalinayo nadaafada iyo faya-dhowrka deegaanka, ayeey hay'adda gaarsiiyay ilaa 1000 qoys agab isugu jira caagagga lagu keydsado biyaha iyo wax yabaha kale ee loo isticmaalo nadaafada sidda Sabuuta iyo kaniiniga biyaha lagu sifeeyo oo loo qeybiyay 500 oo qoys oo ku dhaqan deegaanka Ceel-jaale, 200 oo qoys oo ku nool deegaanka Ceel-Gaal, 200 oo qoys oo ku barakacay deegaanka Shiir-Kaneeco iyo 100 qoys oo ku dhaqan deegaanka Banaaney oo dhamaantood ay ku nool yihiin dad danyar ah.

 Dhinaca kale, hay'adda SYDP oo tan markii ay fatahaada ku dhufatay magaalada Beledweyne  ku howlaneyd arrimaha samafalka, ayaa ka her-galisay Xaafadda Buundo-weyn, gaar ahaan laanta Isbartiibo xarun caafimaad oo lagu magacaabo [AWD Treatment Center ] oo loogu tala-galay in lagu daweeyo dadka uu soo rito cudurka shuban biyood, kaddib markii ku dhawaad ilaa 10 ruux ay cudurkan ugu geeriyoodeen qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada.

C/nuur Ibraahim Nuur oo ah agaasimaha SYPD, ayaa HOL u sheegay in saameyn xoog leh ku yeellatay noolasha kumanaan qoysas ah fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada isaga oo intaa ku darray in maalmihii la soo dhaafay ku mashuulsanaayeen siddii gargaar micno leh loo gaarsiin lahaa dadka barakacay.

“Dadku ma'aha in ay u baahan yihiin oo kaliya wax ay cunaan, balse waxaa siddoo kale muhiim ah in iyana laga fikiro dhinaca caafimaadka, maxaa yeellay xaaladaha oo kale waxaa ka dhalan kara cudur tiro badan, hadda waxaan xarun ka sameynay xaafadda Buundo-weyn kaddib markii aan ka war helnay in ay jiraan dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo meellaha qaar geeri sababay, siddoo kale nadaafada ayaan muhiimad gaar ah siinay sidda in dadka loo qeybiyo saabuuta lagu faraxasho iyo dawooyin kale oo loo isticmaalo sifeynta biyaha'' ayuu yiri agaasimaha hay'adda oo la hadlay HOL.

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Beledweyne waxaa ka jiray gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadii uu sameeyay wabiga iyo dagaalladii dhawaan ka dhacay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Ugu danbeyntii, agaasimaha SYPD, ayaa sheegay in ay sii waddi doontaa gargaarka kala duwan ee lagu caawinayo qoysaska u baahan ee danyarta ah, madaama ay wajahayaan xaalad adag oo dhinaca nolasha ah, xili dhinaca kale  ay nagu soo fool leedahay bisha barakaceysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya