4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2016
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay Kenya iyagoo gubay Tuulo ku dhaw Xuduudda


Talaado, May 31, 2016 (HOL) — Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen Kenya, kuwaasoo saxaafadda Kenya ay sheegtay inay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay gubeen tuulada Surgoow oo ku dhaw soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, waxaana tirade xoogagan lagu sheegay illaa 50-dagaal-yahan oo ku hubeysan qoryo kala duwan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Wajeer, Maxamed Sheekh ayaa Wakaaladda AP u xaqiijiyay in xoogaggan ka tirsan Al-shabaab ay gudaha Kenya galeen; ayna ka geysteen dhibaatooyin kala duwan.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa ka digay Weeraro ay ka Geystaan Gudaha Kenya, iyadoo la sheegay inay koox-koox isku qaybiyeen xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, si ay u fuliyaan weeraro qorsheysan.

Dhanka kale, Sirdoonka Kenya ayaa Laamaha amniga ku wargeliyay inay ka feejig-naadaan weerarro ay geystaan kooxahan hubeysan, waxaana laga digay weeraro dhaca inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin ciidammo ka tirsan xoogaggooda ee la sheegay inay gudaha u galeen Kenya, iyadoo la xusuusto in kooxdani ay horay uga geystay Kenya Weerarro khasaare badan dhaliyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya