4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2016
Madaxweynihii Hore ee JAAD Hussein Habre oo ay Maxkamadi ku Xukuntay Maanta Xabsi Daa'in


Isniin, May 30, 2016 (HOL) — Madaxwaynihii hore ee Dalka Jaad, Hissene Habre - ayaa lagu helay dambiyo dhan ka ah bani’aadamnimada, waxaana lagu xukumay Maanta xabsi daa'in ama xabsi madaxaa ha-ku-furto ah.

Waddanka Senegal ayaa lagu maxkamadeeyay Habre, Waxaana la saaray Maxkamad gaar ah oo uu taageero Ururka Midowga Afrika. Waxaana Dambiyada lagu eedeeyay ka mid ah tacadiyo ka dhan ah Aadanaha, Jirdil iyo Dambiyo Dagaal.

Sidoo kale, Dacwad-oogaha Maxkamaddas ayaa codsaday, in Hissene Habre Xabsi Daa'in lagu xukumo, taasoo ay xustay inuu ku muteystay dambiyo la sheegay inay gaysteen ciidan booliis ah oo taabacsanaa muddadii uu xukunka hayay oo u dhexeysay 1982-kii illaa 1990-kii, balse eedaymahaas wuu iska diiday.

Dhibbanayaashii Xad-gudubyada lagula kacay ayaa 25-sannadood ah u ololeynayeen in la horkeeno Hissene Habre Cadaaladda, si looga Abaal-mariyo Dhibaatooyikii uu Dalka Jaad ka geystay.

Hissene Habre ayaa laga qabtay dalka Senegal Sanadkii 2013-kii halkaas oo uu Dibad-joog ku ahaa, kaddib markii xilka laga tuuray Sannadkii 1990-kii.

Ugu dambeyn, Waa markii u Horreysay oo Madaxweyne Afrikaan ah lagu Maxkamadeeyo wadan Afrikaan ah, iyadoo aan la ogeyn halka uu xabsigan abidka ah ku dhameysan doono madaxweynihii hor ee Jaad.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya