4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2016
WAREYSI: Danjire Axmed Cawad oo ka Hadlaya Soomaali laga Musaafurinayo dalka Mareykanka


Isniin, May 30, 2016 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad, ayaa Wareysi dhinacyo badan oo uu siiyay HOL, uga hadlay Xaaladda Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay inay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaalla Mareykanka, ayna Xukuumadda Mareykanku damacsan tahay inay dib ugu celiso Waddankooda Soomaaliya.

Dhalinyaradaas oo qaab tahriib ah ku galay Mareykanka, ayuu Danjiruhu u Sheegay Radio Sagal in Warkooda uu ka maqlay meelaha, laakiinse markii dambe uu la xiriiray Dowladda Mareykanka oo u xaqiijisay arrintaas.

DHAGEYSO: Danjire Cawad oo ka hadlaya Dhallinta Soomaaliyeed ee la Tarxiilayo;

Safiirka, ayaa xusay daray inuusan wali helin tirada rasmiga ah ee dhalinyaradaas, meelaha ay ku Xiran yihiin iyo xilliga dib loogu celinayo Somalia, balse uu Dowladda Mareykanka ka codsaday inuu la kulmo Dhallinyaradaas oo uu ku booqdo xabsiyada ay ku xiran yihiin.

Ugu dambeyn, Danjire Axmed ayaa ka hadlay Waxyaabihii uu Qabtay intii uu xilka hayay iyo waliba xiriirka Safaarad ahaan kala dhaxeeyo Bulshada Soomaaliyeed ee gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka ku nool.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]   
Atlanta, Georgia - Mareykanka