4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2016
Danjire Jamaal Barrow iyo Xubno kale oo kulan la Qaatay Soomaalida ku nool Limpopo (Sawiro)


Isniin, May 30, 2016 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barrow iyo dublamaasiyiin ka tirsan Safaaradda oo dhawaanahan Kormeerayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sagaalka Gobol ee dalka Koonfur Afrika, ayaa waxay Booqasho ugu tageen Jaaliyadda Gobalka Limpopo, kuwasoo ay la qaatay kulammo Gaar-gaar ah oo ay Mas'uuliyiinta Safaarada ku xog-wareesanayeen Soomaalida Deegaannadaas ku nool.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Limpopo, Daahir Hilowle Xasan, oo ka mid ahaa Qaban-qaabiyayaashii Kulanka Safaaradda iyo Jaaliyadda, ayaa ugu Horreyn kusoo dhaweeyay Danjiraha iyo Dublamaasiyiintii la socotay Gobalka Limpopo oo ay tiro badan oo Soomaali ah ay Deegaan iyo Ganacsiyo ku leeyihiin; Wuxuuna Sheegay in ay u baahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee Gobalka Limpopo in Xagga Sharciyada Koonfur Afrika laga Taageero iyo in ay Safaaraddu u soo Dhaweyso Dukumintiyada ay uga baahan yihiin.

Kulanka, ayaa intuu socday waxaa aragtiyo iyo su'aalo ay u Qabeen Safaaradda Weydiiyay Xubnihii ka soo Qayb-galay, Waxayna ahaayeen Aragtiyadoodii kuwo Gabi ahaantood ku Saabsanaa in Mas'uuliyiinta Safaaradda ay xil weyn iska saaraan Xiriirka labada waddan si ay mawaadiniinta Soomaaliyeed u helaan Tix-galin sharciyada iyo Ganacsiga.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo kulankaan Mas'uuliyiinta Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed khudbad ka jeediyay, kana jawaabay su'aalihii la weydiinayay ugana mahad-celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Limpopo soo Dhaweyntii ay u Sameeyeen, ayaa sheegay inay safaaraddu howlo badan horay u qabatay haddana ay Dadaallo ugu jirto sidii ay u ballaarin lahayd Hawla shaqo ee ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed u hayso loona gaarsiin lahaa gabi ahaan Afrikada Koonfureed, gaar ahaan Sagaalka Gobol ee Waddanka Koonfur Afrika. Wuxuuna Tilmaamay Haddii ay Jaaliyadda oo mid ah iyo Safaaradda is-garabsadaan ay wax badan ka qaban karaan cabashada xagga sharciga ee Koonfur Afrika.

Ugu dambeyntiina, Kulankaan kala War-qaadashada ahaa oo ay Safaaradda la sameynayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku kala sugan Sagaalka Gobol ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa noqonaya kii labaad oo ay safaaradu la yeelato Jaaliyadda bishan Dhex-deeda. Kulamadaan ayaa Sahli kara in laga Gudbo Caqabadaha xagga Sharciyada ah ee bulshada Soomaaliyeed ka haysta Waddanka Koonfur Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika