4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2016
FAALLO: Bisha Ramadaan & Barakaca Shacabka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Isniin, May 30, 2016 (HOL) — Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka dhiman Bilashada Bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ku weyn guud ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku nool daafaha aduunyada gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Sida cadadda ah maalmaha ka horeeya bisha Ramadaan inta badan qoysaska Soomaaliyeed waxaa ay u gallaan diyaar garoow xoog leh, iyaga oo soo iibsada dhamaanba wax yaabaha ay u baahan yihiin 30ka cisho ee bisha, gaar ahaan raashinka iyo wax yaabaha kale ee mac-macaanka ah ee loo isticmaalo afurka sidda Timirta oo kale.

Laakiin, kumanaan qoysas ayaa bishan Ramadaan ee nagu soo foolka leh lagu waddaa in ay wajahaan xaalad adag oo dhinaca nolasha, waxaana intooda badan laga yabaa in ay ku soomaan deegaannada loo barakacay oo marka laga soo tago daruufaha nolaleed ee ka jira ay u dheer tahay kululey iyo dabeyl wadata hanfi iyo siigo, taa oo durbaba badashay wajiyada in badan oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah.

Qoysaska qaar markii horeba nolashooda waxaa ay u tiirsaneyd waxa maalintaa ay ka soo shaqeystaan suuqa, kuwaasoo hadda meel cidlo ah ku soo dhacay, madaama xiligan aysan jirin meel laga shaqeeyo oo ay u sii dheer tahay in ay dibada uga baxeen guryihiin ay ku asturnaayeen.

Waxaa kaliya ay qoysaskan Miciin bidayaan ayaa ah kaalmada aan badneyn ee shirkadaha, hay'addaha, iyo dadka muxsiniinta ah ugu diiqaan oo xitaa la oran karo siddii loo baahnaa dadka looma wadda gaarsiiyo ama waxaa ka faa'ideysta dad laga yaabo in ay xigto dhaw ama qaraabo la yihiin hadba cidda markaa gargaarka qaybineysa.

Dabcan, waa waajib in qofka muslimka ah uu soomo 30ka bisha Ramadaan haddii uusan jirin cudur daar sharci ah, balse dhibaatada jirta ma'aha mid yar oo qormo oo kaliya lagu soo koobi karo, waxaase la dhihi karaa saameyn dhinaca nolasha ah ayay ku yeelanaysaa qoysas badan oo ku dhaqan Beledweyne [Bilashada Bisha Ramadaan & Barakaca jira] oo la oran karo waa labo xaaladood oo marka ay isku kaa qabtaan aad u adag.

Ugu dambeyn, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda qaadan Doorkii loo baahnaa ee u gargaarista dadka ku barakacay fatahaada Beledweyne, marka laga soo tago dowladda Jabuuti oo gargaar raashin ah maalintii shalay u qeybisay ku dhawaad 2000 oo qoys.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya