4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2016
DHAGEYSO: Eedeysanayaashii Qaraxii DAALLO Airlines oo Maanta lagu Riday Xukuno (Sawirro)


Isniin, May 30, 2016 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukunno kala duwan ku riday dadkii loo heystay qaraxii diyaaradii Daallo Airlines ee 02-dii bishii Febraayo ee Sanadkan 2016-ka, lala beegsaday, iyadoo garoonka Muqdisho ka duushay kuna socotay Dalka Jabuuti, Waxaana Mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Eedeysanayaaha oo ahaa 13-ruux, waxaana shan ka mid ah lagu Waayay Dambi, iyadoo ay dhageysiga Dacwaddooda dhawaanahan wadday Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, kuwaasoo ay ku jireen Qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Somalia, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay, In C/wali Maxamuud Macoow iyo Careys Xaashi Cabdi oo Maqane ah ay ku ridday Xukun Xabsi daa’in ah ama cimrigaa-ha-ku-furto.

DHAGEYSO: Xukunnada lagu riday Eedeysanayaashii Diyaaraddii Daallo Airlines;

Sidoo kale, C/wali Maxamuud Macoow oo ahaa; Madaxii amniga ee Waaxda Duulista iyo Saadasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa Mas’uul ka ahaa Lap-top-kii lagu qarxiyay diyaaradii Daallo Airlines, sida go’aanka maxkamadda lagu sheegay maanta. Iyadoo Careys Xaashi Cabdi oo la Xukumay isagoo maqan, ayay Maxkamaddu sheegtay in lagu helay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, uuna ahaa gacantii 1-aad ee Abaabushay Weerarkii Diyaaradda Daallo Airlines, uuna maal-geliyay Shir-qoolkaas.

Waxay kaloo Maxkamadu ku xukuntay; Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/llaahi Xasan Cali min Afar sannadood oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Max'ed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku ridday xukun min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, ayaa sidoo kale waxaay xukun min lix bilood ah ku riday eedeysanayaasha kala ah; Bashiir C/llaahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Ugu dambeyntii, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Sidoo kale Waxay fasaxday shan oo lagu wayay wax Dambi ah, Waxyna kala yihiin; Cumar Macallin Calasoow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/llaahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Max'ed Xirsi iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya