4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 30, 2016
Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo loo xiray dilka Sarkaal kasoo goostay Al-shabaab


Isniin, May 30, 2016 (HOL) — Taliyihii Millateriga Somalia ee Gobolka Galgaduud, Col. Maxamed Kaariye Caraale (Dhega-Dheere) ayaa la xiray, kaddib la sheegay inuu ku lug lahaa dilka sarkaal kasoo goostay Al-shabaab oo dhaweaan lagu dilay Degmada Ceelbuur ee isla gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha lagu xiray xabsi ku yaalla degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo loo heysto inuu amar ku bixiyay dilka Sarkaalka horay uga tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray, Ciise Cali Mire.

Sidoo kale, Taliyaha la xiray ayaa Hoggaaminayay Dagaallada lagula jiro xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Qaybaha bari ee Gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, ayaa xaqiijiyay Xarigga Sarkaalkaan oo markii laga war-helay inuu ku lug leeyahay dilka sarkaalka ka soo goostay Al-shabaab ee lagu dilay Ceelbuur, iyadoo Degmada Beledweyn loogu qaaday in Tababar lagu soo siinayo, hase ahaatee la xiray.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa la sheegay inuu Muddooyinkan ku hawlanaa baari-taanka Dilka loo geystay sarkaalkaas isku soo dhiibay ciidamada Dowladda FS ee kasoo goostay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo loo xiro dilka sarkaal ka soo goostay Al-shabaab, iyadoo Dowladda Somalia ay si gaar ah u daryeesho dadka ka soo goosta Al-Shabaab ee ay ka mid yihiin Saraakiishooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya