4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
SAWIRRO: Dowladda FS oo Maanta la wareegtay Mucaawino uu Turkigu ugu Deeqay Soomaaliya


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa gellinkii dambe ee maanta lagu Wareejiyay Markab Siday Mucaawino gaaraysa 11,000 oo Tan, kaasoo Dowladda Turkiga ay ugu Deeqday Shacabka Soomaaliyeed, Maantana ku soo Xirtay Dekedda Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Somalia, ayaa Gargaarkaan kala Wareegtay Mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga iyo hay’ada Bisha case ee dalka Turkiga oo uu Hoggaaminayay Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Somalia, Olgan Baker.

Danjire Baker, oo Dekedda Muqdisho kula Hadlayay Warbaahinta, ayaa sheegay inay Gar-gaarkan ugu Talo-galeen Shacabka Soomaaliyeed. Isagoo yiri. “Waxaan doonaynaa inaad nala aragtaan Gargaarkan oo ah Raashin Culeyskeedu gaarayo 11,000 oo tan, Wuxuuna ka ymid shacabka Turkiga, iyadoo Tani ay Muujinayso Xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Shacabka Turkiga iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka DF, C/rashiid Maxamed Xiddig oo isagna la Hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si siman Gar-gaarkaan ugu qaybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad-celiyay Dowladda iyo Shacabka Turkiga.

“Waxaanu ku faraxsanahay, in dowladda Turkiga ay Shacabka Soomaaliyeed soo gaarsiiso Gargaarkan. Dowladda Soomaaliya maalmaha soo socda ayay si siman ugu qaybin doontaa shacabka Soomaaliyeed ee Gargaarka u baahan," ayuu yiri C/rashiid Maxamed Xiddig.

Ugu dambeyntii, Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii, waxay Gargaarro kala duwan keenaysay Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena Dalka ka fulisa Mashaariic kala duwan oo isugu jira; Waxbarashada, Caafimaadka iyo Mashaariic kale oo Muhiim u ah Somalia.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya