4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
BOQOLLAAL Tahriibayaal ah oo ku Naf-waayay Toddobaadkii hore oo keliya Xeebaha Talyaaniga


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Tahriibayaal tiro ahaan ku dhaw 700 oo qof oo doonayay in ay galaan Talyaaniga dhowrkii casho ee lasoo dhaafay, ayaa lagu soo Warramayaa in ay ku Geeriyoodeen Badda u dhexeeya Waddanka Talyaaniga iyo Liibiya, sida ay ku warramyso Hay’adda Qoxootiga QM ee UNHCR.

Doomaha ay la socdeen Tahriibayaashan, ayaa ku degay Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay xXeebaha Koofureed ee Talyaaniga, iyadoo Tahriibayaashan ay saarnaayeen doomo aan Wanaagsanayn.

Sidoo kale, Cimilida oo aan fiicnayn ayaa Kumannaan Tahriibayaal kale ah waxay Doomo kasoo raaceen xeebaha dalka Libya, iyadoo inta badan Tahriibayashan ay Gaareen xeebaha Waddanka Talyaaniga.

Afhayeenadda Hay’adda UNCHR, Carlotta Sami ayaa xustay in la la’yahay boqol qof oo la socday Doon degtay Arbacadii lasoo dhaafay. Dhanka kalena Tahriibayaal 550 qof gaaraya ayay Doon ay la socdeen la dagtay Khamiistii lasoo dhaafay, doontaasoo kasoo shiraacatay Dekedda Sabra ee Dalka Liibiya.

Dhinaca kale, Doonta Saddexaad - ayaa Jimcihii Hore laga soo Bad-baadiyay Tahriibayaal gaaraya 135-qof, halka la helay maydadka 45-qof ookale, waxaana la la’yahay tiro kale oo tahriibayaal ah.

Hawl-wadeennada Dhanka Badaha ee Hay’adda MSF, ayaa sheegaya in tirada dhimashada Tahriibayaasha Toddobaadkii hore - ay gaarayso 900-oo Ruux. Kooxaha badbaadada ayay sheegeen inay soo badbaadiyeen 13,000 oo Tahriibayaal ahaa.

Ugu dambeyn, Kooxaha badbaadada, ayaa waxay ka kala socdaan dalal badan oo Qaaradda Yurub ka tirsan, waxaana walaac laga muujinayaa in tirada Tahriibayaasha ay sii kordhaan Toddobaadyada soo socda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya