4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Dowladda Somalia oo Mashruuc Shaqo Abuur ah Maanta Muqdisho ku Daah-furtay (SAWIRRO)


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Ferkeeti]. ayaa maanta Daah-furaay Barnaamij Tiir-dhexaad u ah Tayeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha [Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project] ee loosoo gaabiyo (SCORE), Waxaana Mashruucan Maal-gelinaya Bangiga Dunida, isagoo si toos ah ula shaqeynaya Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha  iyo Bangiga Dhexe, kuwaasoo xiriir Wanaagsan la leh Shirkadaha gaarka loo leeyahay (Privet Sector).

Furitaanka Mashruucan, ayaa Waxaa ka Qayb-galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Dekedaha iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wuxuuna socon doono mudo sadex sano ah, iyadoo ay ku kici doonto lacag dhan 30-milyan oo doollar, iyadoo si gaar ah loogu hormarinayaa Shirkadaha Gaarka loo leeyahay, Wuxuuna gacan ka gaysan doonaa sidii loo abuuri lahaa hanaan shaqooyin loo abuuro dhalinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed.

Wasiir Maaliyadda, ayaa xusay in Diiradda lagu Saarayo Mashruucaan Tayeeynta Dhanka Shuruucda iyo kor u qaadida awooda Wasaaradaha xiriika la leh Ganacsatada.

“Waxaa ugu horreeya talaabooyinka Mashruucani qaadi doono in sare loo qaado hay’adaha Xariirka la leh ganacsiga gaarka loo leeyahay sida wasaarada Dekedaha, wasaarada Ganac-siga iyo Bangiga Dhexe - sidii loo Horumarin lahaa Shaqooyinka ku aaddan Maamulka iyo Maareynta. Iyadoo lasoo saarayo, lana Dhaqan-gelinayo Shuruuc Dhiirri-galin karta Maal-gashiga. Waxaa kaloo qayb ka ah mashruuca in la taageero Shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo awood u yeelan doona inay shaqooyin u abuuran shacabka Soomaaliyeed,”ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray yiri. “Mashruucaan, Waxaa laga Hirgelin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu billaabayaa Puntland iyo Muqdisho, Waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda Somalia oo Gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan waxaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub.”

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda Maaliyadda inay Maanta Muqdisho kaga dhawaaqdo Hirgelinta mashruucaan, Wasaaradduna ay Diyaarisay wax kasta oo suuro-galinaya in mashruucaani guulaysto.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya