4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
DAAWO: Dowladda Jabuuti oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Shacabkii ku Barakacay Fatahaadda


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Kaalmadaan Raashinka ah - oo ka koobnayd; Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid, ayaa la Gaarsiiyay Dadkii Dhawaan ku Barakacay Fatahaaddii ku Dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaybinta Raashinkaan, Waxaa Goob-joog ka ahaa Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble, Wasiirro ka socday Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan.

Safiirka Jabuuti, ayaa sheegay inay Deeqdan si gaar ah uga timid marwada madaxweynaha Jabuuti, Khadra Maxamuud Xeyd oo sidda uu hadalka u dhigay markii ay aragtay xaaladda Beledweyne garatay in dadka barakacay ugu deeqdo raashinkan.

Deegaanka Ceel-jaale oo Raashinkan lagu Qaybinayay ayaa waxaa isugu soo baxay shacab kumanaan ah, kuwaasoo qof walba oo ka mid ah uu isku dayayay inuu wax ka helo deeqda raashinka ah, taasoo meelaha Qaar Sababatay in Dadweynuhu Gacmaha iskula tagaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti oo ammniga goobta si weyn u sugayay ayaa ku dadaalay inay xakameeyaan dadka oo mar marka qaar u muuqday kuwo doonayay inay boobaan raashinka, madaama ay kala badnaayeen Dadka iyo Raashinka la bixinayay.

Ugu dambeyn, Deeqdaan Raashinka ah ee Dowladda Jabuuti ay Gaarsiiyay Dadka Baraka-cayaasha ah, ayaa la dhihi karaa waa gargaarkii ugu horeeysay xilli ay bishii barakeysneyd ee Ramadaan foodda nagu soo heyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya