4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Maamulka Gobolka Banaadir oo shir ay Maanta yeesheen uga hadlay Amniga Muqdisho (Sawiro)


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Kulan ay Muqdisho ku yeesheen maanta uga hadlay Ammaanka Caasimadda iyo sidii loo xoojin lahaa Guud ahaan amniga inta lagu jiro bisha Ramdaan ee nagu soo foolka leh.

Kulankaan, ayaa waxaa ka Qayb-galay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga Degmooyinka Gobolka Banadir, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa Ammaanka Caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Amniga gacan bir ah lagu qaban doono, Wuxuuna xusay in ciidamada Amniga ay sare u qaadi doonaan Sugidda amniga Muqdisho inta lagu gudo-jiro Bisha barakeysa ee Ramadaan oo ay ka harsan yihiin maalmo yar.

“Maamulka gobolka Banaadir xil gaar ah ayaa ka saaran sugida amniga guud ee Muqdisho, bisha Ramadaan oo keliyana ma ahan ee waxaan doonaynaa in ammaanka caasimaddan uu noqdo mid sugan, Waqti walba waanu ka hadalnaa amniga Muqdisho,” ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye.

Sidoo kale, Maxamed Axmed - ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda iyo dadka wax haysta inay Gargaar u Fidiyaan Dadka Dan-yarta ah ee Soomaaliyeed, Maadaama dhawaan la geli doono Bishii Ramadaan.

“Qodobbada kale ee shirkeena aan uga hadlnay, waxaa ka mid ah sidii aanu u ogaan lahayn Dadka baahan in la Caawiyo, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir-na ay u ogaan lahaayeen shacabka Gargaarka u baahan ee ku sugan Degmooyinkooda,” ayuu intaas ku daray Guddoomiye ku xigeenku.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab oo dagaallo kula jirta Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan ku baaqda dagaallo ka dhan ah Dowladda iyo Ciidamada AMISOM ee taageera, inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

 Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya