4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Markab Mucaawino u Sida Soomaaliya oo kusoo Xirtay Maanta Dekedda Weyn ee MUQDISHO


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho, ayaa Waxaa Axadda Maanta ah ku soo Xirtay Markab Wada Kaalmo ay Xukuumadda Turkiga ugu Deeqday Shacabka Soomaaliyeed, xilli maalmo uun ay ka harsan yihiin bilashada Bisha Ramadaan oo Sanad walba soo marta Muslimiinta.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Dekeda magaalada Muqdisho ayaa saxaafada u xaqiijiyay Markabka gargaarka sida ee maanta dekedda kusoo xirtay, waxayna ku dareen hadalkooda, in Mucaawinadan oo loogu talo-galay Shacabka Soomaaliyeed, sida ugu dhaqsiyaha badan looga dajin doono markabka.

Xukuumadda Turkiga ayaa horaantii bishan May sheeegtay inay Somalia u dirayso Markba Sida Gargaar culeyskiisu yahay; 11,000 oo Tan, kasaoo ay xustay in shacabka Turkiga laga soo ururiyay.

“Gargaarkaan, waxaan ugu talo-galnay inaan ku caawinno Shacabka Soomaaliyeed ee aanu Walaalaha nahay.. Waa cunno loo Qaybin doono Shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxa hay’ada Maareynta Musiibooyinka deg-degga ah ee dalka Turkiga, Fuad Oktay.

Sidoo kale, Oktay ayaa hadalkiisa ku daray, in Gargaarkaan uu qayb ka yahay kaalmada ay ku Caawinayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan, isagoo sheeegay in ay ka go’an tahay Caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Turkiga, ayaa waxay ka Taageertaa Dowladda FS Mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin; Wax-barashada iyo Caafimaadka, iyadoo Sannadkii 2011-kii u soo gurmatay Shacabka Soomaaliyeed, xilligaasoo Waddanka ay ka jireen abaaro iyo macluul baahsan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya